Guddiga Hawlaha Guud, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha

Guddiga Hawlaha Guud, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dawladda Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Hay’adda Tayadhowrka Badeecadaha Puntland.

Guddiga ayaa ka dhageystay madaxda Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Hay’adda Tayadhowrka Badeecadaha Puntland warbixin la xiriirta shaqooyinka u qabsoomay mudadii u dhexaysay Kalfadhigii 45-aad ee GW DPL iyo Kalfadhiga 46-aad, caqabadaha jira iyo qorshayaasha cusub.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net
https://www.facebook.com/Parliamentofpl
Twitter: @Parliamentofpl
Instagram: @Parliamentofpl
YouTube: Puntland Parliament

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top