Kalfadhiga 39aad Ee Golaha Wakiillada DPL oo Maanta Lasoo Xirey sawiro….

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 12/Augst/ 2017 kalfadhiga 39aad fadhigiisii 22 aad oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Axmed Cali Xaashi, oo ay soo xaadireen Mudanayaal tiradoodu gaareyso 54  mudane.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL  Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa Golaha u soo jeediyey in Maanta Ay Tar- Tamayaan Labo xubnood una tartamaya Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Bulshada kuwasoo ka Maqan Gudiga joogatada, waxaa uu gudoomiyuhu sheegay iney Diyaar yihiin Xubintii Gobolka Mudug  xubintasoo ay u Tar- tamayaan Labada Mudane  oo kala ah .

  Mudane Max’ed Cabdi Warsame [ weerow ] 

  Mudane Cismaan Diiriye Kulane 

Gudoomiyaha Golaha wakiillada Mudane Axmed Cali Xaashi Ayaa sheegay in Xubinta kale Dib Loo dhigay Xubintaasoo kasoo Jeeda Gobolka Sool waxana uu sheegay  ilaa fadhiga dambe . 

Intas Kadib Guddomiyaha aya codsadey in gudigii doorashada ay howshooda qabsadaan gudigaasoo fadhigii 21 aad Loo saarey Iney Qaban Qaabiyaan doorashda Xubnahaas  gudigasoo ka koobnaa  8 xildhibaan . 

Markii la guda galay doorashada ayaa waxaa gudiga Dorashadu ay xubnahas ka codasdeen in ay CV gooda ka hor Akhriyaan Golaha  , waxaa lasii guda galay doorashadii , Kadib waxaa La tiriyey Codadkii u kala codeyey Labadan Mudane waxaana Natiijadii Loo Gud biyey Shir Gudoonka .

Gudoomiyaha Golaha wakiillada Mudane Axmed Cali Xaashi Ayaa ku dhawaaqay natiijada waxana ay kala ahayd sidan .

1. Mudane  : Max’ed Cabdi warsame (Weerow) – waaxa uu helay 23 cod 

2. mudane :  Cismaan diiriye Kulane Waxaa uu Helay    31 – cod 

tirada xildhibanada fadhiyey waxey Aheyd 54 mudane sidaas waxaa ku guuleystay Mudane Cismaan Diiriye Kulane oo kamid noqonya Guddiga Joogtada ah Ee Golaha wakiillada Puntland .

Gudoomiyaha  Golaha Wakiillada Mudane Axmd Cali Xaashi ayaa kadib ku dhawaaqay in kal fadhigii 39 aad uu xiran yahay gebi ahaan.

kalfadhigaan oo ahaa kii 39aad ayaa  Furmey 15/Juun /2017 waxaana kalfadhigaan uu ahaa mid ku soo dhamaadey si wanagsan .

Use Facebook to Comment on this Post