Xiritaankii Kulanka Wada tashiga Baarlamaannada Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada Soomaaliya oo soo dhamaday.

Waxaa Xarunta AMISOM VIP ee Magaalada Muqdisho Maanta oo taariikhdu tahay 21/08/2017 lagu soo Geba-gabeeyey Kulankii Wada tashiga Baarlamaannada Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada Soomaaliya, kaasoo soconayey Saddex Maalmood 19–21-08-2017, iyadoo lagaga hadlayey waxyaabo badan oo khuseeya waxa la qabanayo Afarta sanno ee soo socota  waana la isku afgartay dhammaan waxyaabihii lagaga wada hadlayey.

Sidoo kale waxaan Iyana la isla soo qaaday Heshiis is-afgarad oo ku saabsan in la sameeyo ama la yagleelo Madal ay ku midoobayaan Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Soomaaliya (Heer Federaala iyo Heer Maamul Goboleedba), heshiiskaas oo weli ah Qeybo qoraal.

Use Facebook to Comment on this Post