Baarlamaanka

Aqalka Wakiillada Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 59aad Dastuurka Dawladda Puntland, waxa uu dhigayaa: 

1. Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiilladda oo matala shacabka Puntland oo dhan.
2. Tirada Golaha Wakillada waxa uu ka koobanyahay 66 xildhibaan, hase yeeshee waxaa wax lagaga badali karaa soo jeedin ka timaada Xukuumadda, Golaha Wakiilladuna uu ku ogolaado saddex meelod laba meelood (2/3).

3. Muddada Golaha Wakiilladu waa shan (5) sano laga bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Xildhibaanka Golaha Wakiillada dib ayaa loo soo dooran karaa.

4. Golaha Wakiilladu waxa uu si rasmi ah hawshiisa u bilaabayaa soddon 30 maalmood gudahood, laga bilaabo maalinta natiijada doorashadu lagu dhawaaqo.

Scroll to Top