Category: Guddiyada Golaha

Guddiyada Golaha

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga maanta waxaa warbixino la xiriira xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha

Read More »
Guddiyada Golaha

Guddiga Arrimaha Bulshada oo akhriska labaad ku sameynaya Xeerka Dalxiiska

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya Xeerka Dalxiiska Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta waxay kulan la tashi ah la yeesheen qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dalxiiska ee ka howl-gala Puntland. Guddiga iyo mas’uuliyiintan shirkadahan ayaa falanqeeyey

Read More »
Golaha Wakiiladda

Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka oo akhriskii 2aad ku sameeyay Miisaaniyadda 2022

Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladda DPL ay kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2022 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda. Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ayaa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban tahay dhakhli

Read More »
Guddiyada Golaha

Guddiga Shuruucda oo kulan la qaatay Garyaqaanka Guud

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Mudane Xil. Sharmaarke Cali Cilmi ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland Avv: Maxamed Yuusuf Maxamuud. Kulanka ayaa ujeedadiisu aheyd la tashiga Wax-ka-bedelka xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland, kaas oo la sameeyey 1999-kii. Wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska

Read More »
Golaha Wakiiladda

Doodista Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2020

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta qabsoomay. Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 46 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa ka doodista Xisaab-xirka Sannad

Read More »
Guddiyada Golaha

xog-waraysi iyo su’aal waydiin la xiriirta Xisaab-xirka 2020

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ku guda jira akhriska iyo falanqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2020, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa xog-waraysi iyo su’aal waydiin la xiriirta Xisaab-xirka

Read More »
Guddiyada Golaha

Kormeerka Guddiga dhawrista Degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah

Guddiga dhawrista Degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Xild. Fu’aad Abshir ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda. Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru dawlaha Wasaararadda Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, waxaana Xildhibaannada ay uga warbixiyeen

Read More »
Golaha Wakiiladda

Furitaanka Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad Dastuuriga ah ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni. Furitaanka Kal-fadhiga 48aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka

Read More »
Guddiyada Golaha

Kormeerka Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga

Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL Mudane, Cabdiqafar Xaange. Kulanka Guddiga iyo Wasiirka ayaa waxaa kala qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane, Sharmaarke Xassan Cali waxaana looga hadlayay shaqooyinka Wasaaradda, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa

Read More »
Golaha Wakiiladda

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha hoose

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha hoose & Horumarinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka kumeel-gaarka ah Puntland ee TPEC. Kulanka ayaa ujeedadiisu aheyd wada-tashi ku saabsan Hindise-xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha oo Golaha horyaala. Sida uu qabo Qodobka 41-aad Dastuurka Dawladda Puntland muwaadin kasta oo da’adiisu gaartay siddeed

Read More »
Scroll to Top