Fadhiga 10-aad ee Guddiga Joogta Golaha Wakiillada

Garoowe: Maarso 08, 2020: Fadhiga 10-aad ee Guddiga Joogta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibril, waxaa todobaadkan looga hadlay cabashooyinka Canshuuraha ganacstada yar-yar ee Kabarlayda suuqa Garoowe.

Qoraal cabasho ah oo ay ganacstada yar-yar ee Kabarlayda Garowe u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa waxaa ay cabasho uga muujiyeen canshuuro dheeri ah oo maamulka degmada Garoowe ku soo rogeen ganacstada.

Dood iyo falan-qeen dheer ka dib waxay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland isku raaceen in loo yeero cida ay quseyso si looga gaaro go’aan waxa uu sharcigu ka qabo.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top