Fadhiga 11-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Juun 29, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 39 Xildhibaan ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka & Wasiiru Dawlaha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyey arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha degaanka ee Puntland, dhismaha degmooyinka kale, lacagta dhulka laga qaado ee lagu magacabo danta-guud ee Garoowe, kala dirista goleyaasha degaanka ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, mideynta cashuuraha ee Dawladaha hoose ee degmooyinka Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top