Fadhiga 11aad ee Guddiga Joogtada oo looga hadlay amniga Dalka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Aqalka Wakiillada DPL waxaa looga hadlay arimaha amniga dalka.

Kulankan oo ahaa Fadhigii 11aad ee Guddiga Joogtada ah waxaa shir guddoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril waxaana ku wehlinayey Gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Wakiillada DPL ee Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaana shirka kasoo qeybgalay gudoomiyeyaasha guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada.

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda Golaha Wakiillada Xildhibaan / Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud ayaa Guddiga u soo gubiyay xaaladaha guud ee amniga dalka.

 

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top