Garoowe, Luulyo 02, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 13-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda DPL Mudane, Rashiid Maxamuud Yuusuf oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka & Wasiiru Dawlaha Wasaaradda.
Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.
Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyey arrimaha Ruqsadaha, Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland