Fadhiga 13aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, April 06, 2020: Fadhiga 13aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee uu shir-guddoomiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Wakiillada DPL Mudane. Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga dalka, Xaalada Caabuqa Coronavirus ( COVID19)

Sidoo kale, Mudanayaasha waxaa loo qeybiyey wax-kabedelka Xeerka Maamulka Gobolada & Degmooyinka ( Xeer L.7) si ay ugu sameeyaan akhrinta 2aad.

 

Dhanka kalena, Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada DPL iyadoo lagu dedaalayo bad-qabka caafimaadka ee Mudanayaasha & Hawl-wadeenada Golaha waxay isku raaceen in la kordhiyo fasaxa Golaha illa April 15, 2020 Hadii Alle idmo.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top