Garoowe, Luulyo 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 14-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland Mudane, Axmed Yaasiin oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka & Wasiiru Dawlaha Wasaaradda.
Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.
Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyey arrimaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland