Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa fadhiga maanta guddi u magacaaabay, si ay soo ururiyaan tala-bixinnnada Guddiyada ee kusaabsan warbixinadii kalfadhiga 48-aad, Golahana ugu soo gudbiyaan warbixintooda.
Ugu dambeyntii, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka cod aqlabiyad ah ku taageeray codsi ay Golaha u soo gudbiyeen Mudaneyaasha Gobolka Nugaal oo ku aadan in laga qayb-qaato qaaraan uruurinta dhammesytirka waddada u dhaxeysa magaaloyinka Garoowe iyo Godobjiiraan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland