Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, Luuliyo 14, 2020: Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa muddeynta wakhtiga Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqda Aadanuhu Dawladda Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa cod Aqlabiyad ku ogolaaday in maalinta
Axad oo bishu tahay Luuliyo 19, 2020 ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha xuquuqda Aadanuhu Puntland sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 117-aad.

Written by: Abdiwali Gooni

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top