Fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Luulyo 13, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ( TPEC) Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga, iyo Xoghayaha Guud ee TPEC Marwo Ubax Cabdullaahi Abshir.

Guddoomiyaha KMG ee TPEC ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha KMG ah TPEC wax ka weydiiyey arrimaha Doorashooyinka Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top