Fadhiga 23-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Luulyo 18, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 23-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dawladda Puntland Axmed Bashiir Muuse ( Cirro) oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dawlaha, Agaasimaha Guud, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda, Agaasimaha Guud iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta ayaa Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha deegaanka iyo Isbedelka Cimilada dalka sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobdiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeerarka kale ee kala ah; Xeerka Maaraynta dhulka magaalooyinka Dawladda Puntland oo soo baxay 2022, Xeerka qoondada qaaraanka dhismaha waddada Ceel-daahir – Ceerigaabo oo soo baxay 2015, Xeerka khidmad kordhinta Hay’ada Jidadka Puntland oo soo baxay 2012, Xeerka Hay’adda dayactirka horumarinta, jidadka iyo gegooyibka diyaaradaha ( PHA) oo soo baxay 2000

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top