Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Abdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1-aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka  2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta Ajanduhu ahaa soo gudbinta Hindise-Xereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Intaa ka dib waxaa loo qeybiyey Xildhibaannada Hindise-Xereedka  si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad, si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL muddo saddex cishe ah ka dibna la horkeeno Golaha si looga doodo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

 

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top