Fadhiga 25-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 25-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhameystirka u Qareemidda xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay xaaladda sharci ee Maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland ka dib shalay markii ay dhageysteen Warbixintada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta DPL, Mudane Cawil Shiikh Xaamud, Xeer-ilaaliyaha Guud DPL Maxamuud Xassan Awcismaan Iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Cabdullahi Cismaan Liibaan.

Ka dib, Xog-ururintaa Doodda maanta ee  Xildhibaannadda, Golaha Wakiillada DPL ayaa cod aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiskii is-afgaradka ee dhex maray Seychelles & Puntland, Bishii Maarso 15, 2011, Sidoo kalena loo saaray Guddi farsamo oo ka shaqeeya sii-deynta Maxaabiista Burcad-badeedka ugu xiran xabsiyadda Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net
https://www.facebook.com/Parliamentofpl
Twitter: @Parliamentofpl
Instagram: @Parliamentofpl
YouTube: Puntland Parliament
Website:www.puntlandparliament.net

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top