Fadhiga 26-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Luulyo 21, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 26-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga ah ee Dawladda Puntland Mudane Jamaal Carab Yuusuf oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga ah ee DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad Farqadiisa 17aad, Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 62.2 iyo Xeerka Ururada Samafalka ee aan Dawliga aheyn ee Puntland oo soo baxay 2016, Xeerka Tirakoobka Puntland ee soo baxay 2019 kaas oo muhiimada siinaya Ururinta xogta Dawladda, Muwaadiniinta, kheyraadka dalka, ka hor-tagidda & tirtirada burcad xogeedka iyo Xeerka Qanuunka Heshiiska is-afgaradka (MOU) ee Wada shaqeynta Dawladda Puntland iyo Hay’adaha Qaramada Midobay ( UN) ee soo baxay sannadkii 2007.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top