Fadhiga 27-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 27-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhameystirka Qodobka 11-aad ee Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag.

Xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL oo shalay ka yeeshay dood-sharci  Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa maanta isku raaceen in qodobkaas lagu-daro Qodobka la Xisaabtanka Xukumadda.

Dhinaca kalena, Xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL ayaa isla maanta cod Aqlabiyad ah ku ogolaaday in Ajandaha berri uu noqdo Dib-u eegista heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD), isla markaana loo yeero Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net
https://www.facebook.com/Parliamentofpl
Twitter: @Parliamentofpl
Instagram: @Parliamentofpl
YouTube: Puntland Parliament
Website:www.puntlandparliament.net

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top