Fadhiga 27-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, February 06, 2021: Fadhiga 27-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa si rasmi ah loo buuxiyey saddex xubnood oo ka bannaanadey Guddiga joogtada ah.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 48 Xildhibaan ayaa la gudo-galay buuxinta saddex xubnood ee ka bannaanadey Guddiga joogtada gaar ahaan xubnihii matalayey Gobolada Nugaal iyo Bari sida uu qabo Qodobka 12-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada DPL.

Xildhibannada Gobolka Nugaal ku matela Golaha Wakiilada DPL ayaa isla gartay in xubinta Gobolka Nugaal uu buuxiyo Xildhibaan Aweys Axmed Sardheeye sida ay ku cadeeyn qoraal Golaha ay u soo gudbiyeen.

Xubinta labaad ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku tar-tamayey.

1. Xil. Sharmaarke Cali Cilmi
2. Xil. Ayaanle Galan Guulleed

Xildhibaan Ayaanle Galan Guulleed ayaa u tanaasulay Xildhibaan Sharmaarke Cali Cilmi.

Xubinta Saddexaad ee Gobolka Bari ayaa waxaa u tar-tamayey Xildhibaan Xaamud Ismaaciil Xirsi iyo Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Muuse, kaas oo ay Xildhibaanada cod qarsoodi ah ku kala saareen.

1. Xil. Xaamud Ismaaciil Xirsi, 22 cod.
2. Xil. Cabdullahi Yusuf Muuse, 26 cod

Saddexda xubnood ee Guddiga joogta ka banaanaaday waxaa buuxiyey.

1. Xil. Aweys Axmed Sardheeye – Gobolka Nugaal.

2. Xil. Sharmaarke Cali Cilmi – Gobolka Bari

3. Xil. Cabdullahi Yuusuf Muuse – Gobolka Bari

Sida uu qabo Qodobka 13-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Guddiga joogtada ah ayaa u xil-saaran socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi ( Fasax), La socoshada dhacdooyinka iyo Ururinta xogaha inta lagu jiro fasaxa, waxayna ka kooban yihiin 10 guddi.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top