Fadhiga 2aad ee Kalfadhiga 48aad Golaha Wakiillada DPL

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2aad ee Kalfadhiga 48aad Golaha Wakiillada DPL, oo ay soo xaadireen 49 Mudane.

Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah 48aad ee goluhu ka shaqeyn doono, mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad (4-aad) ee Xeer-hoosaadku, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan 17.06.2021.

Maalinta berri ah oo Mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3aad ayaa si rasmi ah loogu qaybin doona ajandaha maanta la ansixiyey, hadii Alle idmo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top