Fadhiga 2aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, October 26, 2020: Fadhiga 2aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudan Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub iyo Ajandaha Kalfadhiga 47-aad.

Ka dib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada DPL,

MARKUU ARKAY:- Qodobka 61-aad iyo Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qodobka 62.3-aad farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qoraalka ku taariikhaysan 30/09/2020 ee Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax Beeldaaje Maxamuud oo ah saxiixa xubintaas uu Golaha Wakiillada u soo gudbiyey in Ayuub Nuur Muuse uu buuxiyo kursiga xubinta Golaha Wakiillada ay Beeshu ku leedahay ee uu banneeyey Xildhibaan hore Allaah u naxariistee Daa’uud Nuur Muuse.

MARKUU HUBIYEY: In Ayuub Nuur Muuse( Riyaax) uu buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan Qodobka 61- aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

WUXUU GUDDIGU SOO JEEDINAYAA:

In Ayuub Nuur Muuse (Riyaax) uu Golaha ka hor akhriyo taariikh-nololeedkiisa, kadibna loo dhaariyo ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Waxaana si rasmi ah Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ugu dhaarisay ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyey Ajandaha qabyada ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 8-aad faqrada 5-aad iyo Qodobkiisa 42-aad farqada 1-aad, waxaana lagu wadda in maalina berri ah si rasmi ah loo ansixiyo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top