Fadhiga 3-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Juun 18 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Kuxigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 3-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhigan waxaa Xildhibaannada loogu qeybiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kalfadhiga 50-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 42-aad, farqadiisa 4-aad.

Sidoo kale, waxaa isla kulanka Golaha laga soo jeediyey warbixin ku saabsan waxqabadka labadii kalfadhi ee Guddiga Joogtada ah, taas oo Golaha uu ka akhriyey Xoghayaha guud ee Gahaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Xidig Warsame.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top