Garoowe, Juun 25, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta ayaa Goluhu ay ku meel-mariyeen Xeer Madaxweyne baabi’inta Hay’adda HADMA iyo Dhismaha Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Dawladda Puntland taas oo uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha DPL.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntlad