Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada

Garoowe, Juun 28, 2020: Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 42 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2019-ka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Cumar Xasan Cumar (Fiqi) ayaa Golaha hortooda ka soo jeediyey khudbad uu uga hadlayo soo gudbinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda dalka 2019.

Golaha ayaa ka dib isku raacay soo akhrin muddo saddex berri ah, ka dibna Golaha loogu soo celinayaa maalinta Khamiista July 2, 2020 si looga doodo ansixinta Miisaaniyadda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net
https://www.facebook.com/Parliamentofpl
Twitter: @Parliamentofpl
Instagram: @Parliamentofpl
YouTube: Puntland Parliament

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top