Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee Sandka 2021.

Garoowe, November 25, 2020: Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane  Abdirshiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan, ku xigeenka 1-aad Abukaate Abdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Xildhibaannadu ku Ansixiyeen Miisaaniyadda Dawladda ee Sandka 2021.

Fadhiga maanta oo soo xaadireen 54 Mudane, ayey dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda Dawladda Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee Dastuurka DPL, iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

Dooda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Dood ka dib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top