Golaha Wakiillada DPL oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka maamulka Gobollada iyo Degmooyinka

Garoowe, July 05, 2020: Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Maalintii 2-aad ayey Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland qodob-qodob uga doodeen wax-ka bedelka xeerka maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh.

Xeerkaan ayaa ah in lagu maamulo Gobollada, degmooyinka, Dhismaha Golayaasha Deegaanka iyo Dawladaha Hoose ee Puntland.

DHAMMAAD

Written by: Abdiwali Gooni

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top