Golaha Wakiillada oo ansixiyey Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada

Waxaa Golaha Wakiillada u qabsoomay Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan & Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 52 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, wax-ka-bedelkaas oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda, Soojeedinta kadib goluhu ku taageeray cod aqlabiyad ah.

Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxaa oggolaaday 38 Xildhibaan , waxaana diidey 10 Xildhibaan, halka ay ka aamustay 4 Xildhibaan.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top