Golaha Wakiillada oo dood ka yeeshay dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga

Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa ka dooday dhaqan-gelinta Qodobadii shirweynihii Wada-tashiga, dood dheer ka dib Xildhibaanadda ayaa isku raacay in dib loo dhigo.

Dib-u dhigista dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland ayaa keentay tallo-soo jeedinnadda Xildhibaanadda, maadama uu ka socdo Dhuusamareeb shirka wada-tashiga Dawladda Federalka & Dawladaha xubanha ka ah Dawladda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net
https://www.facebook.com/Parliamentofpl
Twitter: @Parliamentofpl
Instagram: @Parliamentofpl
YouTube: Puntland Parliament
Website:www.puntlandparliament.net

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top