Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya Xeerka Dalxiiska Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta waxay kulan la tashi ah la yeesheen qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dalxiiska ee ka howl-gala Puntland.
Guddiga iyo mas’uuliyiintan shirkadahan ayaa falanqeeyey ahmiyada Xeerka, iyadoo ay Guddiga la wadaageen aragtidooda ku aaddan ujeedada Xeerka, waxayna u mahadceliyeen Guddiga sida wanaagsan ay la tashiga ugu yeereen Hay’addaha uu xeerku khuseeyo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net
Facebook: https://www.facebook.com/ParliamentofPL
Twitter: https://twitter.com/Parliamentofpl
Instgram: https://instagram.com/parliamentofpl
Flicker: https://www.flickr.com/photos/190151741@N02/
Telegram:
https://t.me/parliamentofpl
YouTube: https://youtube.com/channel/UCe2H4Gvf_mwL852bBdNgiMw