Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha hoose

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha hoose & Horumarinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka kumeel-gaarka ah Puntland ee TPEC.

Kulanka ayaa ujeedadiisu aheyd wada-tashi ku saabsan Hindise-xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha oo Golaha horyaala.

Sida uu qabo Qodobka 41-aad Dastuurka Dawladda Puntland muwaadin kasta oo da’adiisu gaartay siddeed iyo toban (18) sanno, wuxuu xaq u leeyahay Inuu ka qayb-galo hawlaha doorashooyinka, inuu cod bixiyo, Inuu sameeyo ama ku biiro urur ama xisbi siyaasadeed iyo Inuu xilliyada doorashada u tartamo xilalka dalka, haddii uu shuruudaha buuxiyo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top