Guddiga Baarlamaanka u xil-saareen Coronavirus (COVID-19) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe

Garoowe: Maarso 25, 2020: Guddiga Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland ee loo xil saaray ka hortaga xaaladda caabuqa Coronavirus (COVID-19) oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Aqalka Wakiilladda DPL ayaa bulshada u soo jeediyey Wacyi-gelin caafimaad oo la doonayo in lagu dhaqmo si looga hortago xanuunkan dunida ku baahay ee caabuqa Coronavirus (COVID-19).

DAAWO

Gudoomiyaha Guddigan Xidhibaan Cali Axmed (Cali Dhahar) oo ay wehliyaan xubnaha kale ee Guddiga Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xildhibaan Muuse Siciid Xasan iyo Xildhibaan Cabdiqani Abshir Jaamac ayaa shacabka ugu baaqay inay taxadar badan muujiyaan.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top