Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ayaa gaaray Garacad

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ah ku gaaray Magaalada Garacad ee Gobolka Mudug. Guddiga ayaa kormeeray Dhismaha Dekadda Garacad iyo goobo kale muhiim ah.

Guddiga ayaa intii ay ku sugnaayeen waxay kulamo la yeesheen dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada sidoo kalena waxay xog ka soo ururiyeen Guddiga dhismaha Dekadda Garacad taasi oo ay u gudbiyeen Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top