Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka oo kormeeray Bangiga

Garoowe, October 08, 2020: Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dawladda Puntland.

Madaxda Bangiga ayaa guddiga uga warbixiyey shaqooyinka Bangiga, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira.

Dhinaca kalena, Guddiga ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Bangiga DPL, iyo dhismaha cusub ee lagu waddo inuu yeesho Bangiga kaas oo dhismihiisa weli socdo.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah shaqooyinka guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uu ku tagaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha xiriirka wada shaqayn la leh.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta &Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top