Guddiga Golaha Wakiillada DPL u xil-saareen inay ka soo talo-bixiyaan soona lafa guraan

Guddiga Golaha Wakiillada DPL u xil-saareen inay ka soo talo-bixiyaan soona lafa guraan cabashooyinkii ay Golaha Wakiillada u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL fadhigii 3aad ee Guddiga joogtada ayaa maanta kulan la qaatay Hay’adahaas.

Guddiga ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Madaxda Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL si ay xog-dheeraad ah uga helaan Cabashooyinkooda oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay la xiriira shaqadaha hay’adahaas iyo jiritaan cabashooyinka ay u soo gudbiyeen Golaha Wakiillada. Guddiga ayaa warbixintooda dib-ugu celin doona fadhiga 5-aad ee Guddiga joogtada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top