Guddiga Shuruucda oo kulan la qaatay Garyaqaanka Guud

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Mudane Xil. Sharmaarke Cali Cilmi ayaa xarunta Golaha Wakiillada kulan kula qaatay Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland Avv: Maxamed Yuusuf Maxamuud.

Kulanka ayaa ujeedadiisu aheyd la tashiga Wax-ka-bedelka xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland, kaas oo la sameeyey 1999-kii.

Wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo lagu wareejiyey Guddiga Shuruucda iyo Cadaaladda si ay ugu soo sameeyaan akhrinta 2aad, waxaana Golaha la horkeeni doona maalinta sabtida ah oo taariikhdu ku beegan tahay 10.Luulyo.2021, hadii Alle idmo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top