Guddiyada Golaha

Sida ku cad Qodobka 62aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Hogaanka Goluhu wuxuu xildhibaannada u kala qaybinayaa Guddiyo Joogto ah oo lagu qeexayo xeer-hoosaadka Golaha, taasoo waafaqsan arrimaha Golaha la soo hordhigayo. Guddi-hoosaadyadu waa inay isugu dheelli-tiran yihiin xoogagga siyaasadda ee uu ka koobanyahay
Goluhu, waxayna u xilsaaran yihiin diyaarinta, lafaguridda, iyo soo jeedinta arrimaha Goluhu ka doodayo.
Fadhiyada Golaha waxaa la horgeeyaa arrimaha ay isku soo raaceen guddi-hoosaadka ay khuseyso.

Sidoo kale, Arrimaha go’an gaaris deg-deg ah u baahan, Goluhu si toos ah ayuu u gudageli karaa iyada oo aan la
marin guddi-hoosaad, tallaabada noocaas ahna waa in uu Goluhu cod ku meelmariyo, Goluhu wuxuu iska dhex-dooranayaa guddi joogta ah oo ururiya hawlaha Golaha labada kalfadhi dhexdooda.

Goluhu wuxuu yeelanayaa xoghaye joogto ah, oo aan xubin ka ahayn Golaha Wakiillada, Goluhu waxa uu yeelan karaa la-taliyayaal iyo karraaniyaal isku dubbarrida doodaha iyo warbixinnada guddi-hoosaadyada, Kooramka furitaanka kalfadhiga Golaha ama kulanka guddi-hoosaadka iyo go’aan gaaristooda waa kala bar iyo hal (1/2+1) xubnaha Golaha ama guddi-hoosaadka. Dastuurka ayaa caddaynaya mararka kooram kale loo baahanayo, Habka codaynta Goluhu waa gacan taag marka laga reebo arrimaha dastuurku si gaar ah u tilmaamo. Gacan taagga waxaa lagu beddeli kara habka codaynta elektarooniga ah marka Goluhu yeesho.

Scroll to Top