Guddiyo hawlo shaqo u tagay Boosaaso

Boosaaso, October 04, 2020: Guddiga Xuquuqda Aaadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka iyo Guddiga Shuruucda iyo Cadaaladda Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku gaaray magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Guddiyadda ayaa waxaa wehlinayay Madaxda Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, kaas oo lagu lafa-guray xaaladda ammaanka, dhaqaalaha, Arrimaha Anshaxa guud ee Bulshada, xuquuqda Aadanaha iyo hawlaha Dawladda ee ka socda Gobolka Bari iyo muhiimadda safarka Kooxda Kormeerka Wadajirka ah ee gobolka.

Inta ka dib, waxay kormeer ku tageen Xabsiga weyn ee Boosaso si ay wax uga ogaadaan xaaladda maxaabiista xukun-sugayaasha ah, kuwa xukuman iyo maxaabiista mudo-dhaafka ah, iyagoo kulamana la qaatay maamulka Xabsiga.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha DPL Siciid Cabdi Muumin ayaa markaas kadib munaasabad kooban oo ay ka qayb-galeen kooxda Kormeerku wuxuu maamulka Xabsiga ku wareejiyay noocyo kala duwan oo dawo ah oo xafiiska Difaacuhu ugu tala-galay in lagaga jawaabo xaaladaha caafimaad ee deg-degga ah ee maxaabiista.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top