Guddoomiyaha oo soo xiray Kalfadhiga 49aad Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 39 mudane ayaa Xildhibaannada Dood ka yeesheen xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha Doorashooyinka heer Federal, iyadda oo uu ekaa maanta 45 cishe oo uu furnaa Kalfadhiga 49-aad.

Intaa kadib 6 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyey in Golaha fasax galo maadama duruufo badan dalka ka jiraan, wakhtigii Kalfadhigana uu maanta ku eg yahay, waxaana cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyay 38, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay 1 mudane.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu Golaha uga mahadceliyey sidii xilkasnimada lahayd oo ay u guteen shaqooyinkii Dastuuriga ahaa mudadii uu socday kalfadhiga 49-aad, wuxuuna Guddoomiyey in kalfadhiga 49-aad uu xiran yahay Goluhuna uu fasax geli doono ayna isu soo noqon doonaan June 15, 2022.

Mudadii Kalfadhigu socday waxaa Golaha u qabsoomay shaqooyin badan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

E-mail: info@puntlandparliament.net
Facebook: https://www.facebook.com/ParliamentofPL
Twitter: https://twitter.com/Parliamentofpl
instagram: https://instagram.com/parliamentofpl
Flicker: https://www.flickr.com/photos/190151741@N02/
Telegram:
https://t.me/parliamentofpl
YouTube: https://youtube.com/channel/UCe2H4Gvf_mwL852bBdNgiMw
Website: https://puntlandparliament.net

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top