Hakad kuyimid Fadhigii 19-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Garoowe, November 30, 2020: Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Abdirshiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan, ku xigeenka 1-aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga oo Ajandaha ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Mudane, Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hakiyey fadhiga sida ku cad Qodobka 8-aad farqada 6-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ka dib markii ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii Shaqada Golaha.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

 

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top