Gudoomiyaha Golaha Wakiilada DPL oo Hambalyo u diray haweenka Puntland

“ HAWEEN LA’AANI, WAA HIIGSI LA’AAN”

Garoowe, Maarso 08, 2020: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa hambalyo u diray haweenka Puntland iyo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 8-da Maarso awgeed ee maalinta haween weynaha caalamka.

“Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin ku aadan Maalinta Haweenka Adduunka ee 8 Maarso hawada umarinayaa haweenka Puntland iyo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane. Cabdirashiid Yuusuf Jibril.

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top