Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL oo dalka ku soo dhaweeyay Madaxweyihii hore

Garoowe, Maarso 07,2020: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Punland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa dalka ku soo dhaweyay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u yimi inuu ka qeyb galo shirweynaha Wada-tashiga Dawladda Puntland ee 15 bisha Maarso.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Punland, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Xildhibaano iyo Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa booqasho salaan ah Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ugu tagay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullahi Maxamed Deni.

 

 

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@parliament.pl.so
Website: Www.parliament.pl.so

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top