Justice & Law

Guddiga Shuruucda iyo Cadaaladda.

 Gudoomiyaha Guddiga waa:Axmed Jaamac Cabdulle.

Waajibaadka Shaqo ee Guddiga waakan hoos ku qoran:

  1. Ilaalinta Dastuurka, Xeerarka dalka iyo go’aamada Goluhu ansixiyo.
  2. Hubinta in xeerarkii Goluhu ansixiyey lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.
  3. Ururinta Xogaha la xiriira xeerarka aan hirgelin ama aan sidoodii loogu dhaqmin.
  4. Soo jeedinta ciddii Jebisa Dastuurka iyo xeerarka Dalka.
  5. Soo jeedinta wax ka bedelka xeerarkii Goluhu horey u ansixiyey oo u baahan in wax laga bedelo.
  1. Dhiiri galinta Arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka.
  2. Ka warbixinta Xaaladaha Maxaabiista iyo Xabsiyada Dalka.
  3. Fududeynta xeerarka Golaha la horkeeno.
  4. Xaqiijinta la dagaalanka anshax xumada iyo Mukhaadaraadka.
  5. Ka talo bixinta wax ka bedelka dastuurka DPL iyo soo jeedinta is-waafajinta kan Federaalka.
  1. U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira Shuruucda iyo Cadaaladda.

Wixii xiriir ah kala soo xiriir guddiga emailkan: committee@puntlandparliament.net

Use Facebook to Comment on this Post