Kormeerka Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka

Garoowe, Agoosto 25, 2020: Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka DPL Cabdullahi Cali Xirsi ( Timacadde) oo uu wehliyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Eng. Maxamed Ciise ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, isaga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga ayaa kormeeray dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda si ay u ogaadaan guud ahaan shaqooyinka ay dalka iyo dadka Puntland u hayaan.

Kormeerka Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top