Kormeerka Guddiga dhawrista Degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah

Guddiga dhawrista Degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada DPL oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Xild. Fu’aad Abshir ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda.

Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru dawlaha Wasaararadda Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, waxaana Xildhibaannada ay uga warbixiyeen mashaariicaha socda ee ay ay wado Wasaaraddu, waxyaabaha u qaab-soomay iyo caqabadaha jira.

Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen masuuliyiinta Wasaaraddu, islamarkaana kula dardaarmay inay sii labo jibaaraan shaqooyinka ay dalka u hayaan ee la xiriira horumarinta Kaluumaysiga iyo kheyraadka badda.

Kormeerka Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top