Kormeerka Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga

Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL Mudane, Cabdiqafar Xaange.

Kulanka Guddiga iyo Wasiirka ayaa waxaa kala qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane, Sharmaarke Xassan Cali waxaana looga hadlayay shaqooyinka Wasaaradda, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

Guddiga ayaa ka dhageystay Wasaaradda qorshahooda waxqabad, caqabadaha haysta, iyo waxyaabaha u qorsheysan inay wax ka qabtaan.

Dhinaca kalena, Guddiga ayaa kormeer xafiisyada Wasaaradda.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada kala duwan ee ay Guddiyadda Golaha Wakiilladu la qaadnayeen hay’adaha kala duwan ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top