Kormeerka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha DPL,

Garoowe, Agoosto 26, 2020: Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha DPL, Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda doorkoodna ay ka qaadanayaan.

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku tagayeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top