Kormeerka Xafiiska Hay’adda Xiriirka Jaaliyaddaha Puntland

Garoowe, September 06, 2020: Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer shaqo ku tagay, Xafiiska Hay’adda Xiriirka Jaaliyaddaha Puntland halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Agaasimaha Hay’adda.

Cumar Shire Maxamed, Agaasimaha Hay’adda Xiriirka Jaaliyaddaha Puntland ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Hay’adda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha uu ka hadlay, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Hay’adda Xiriirka Jaaliyaddaha doorkoodna ay ka qaadanayaan.

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku tagayeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Puntland.

 

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top