Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Abdirshiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan, ku xigeenka 1-aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa maanta hor-yimi masuuliyiinta Wasaaraddaha kala ah;
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL
- Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta DPL
- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska DPL
- Wasaaradda Amniga & DDR-ta DPL
- Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, dhaqanka iyo Dalxiiska DPL
Wasaaraddaas oo isku ah Wasaaraddaha Amniga Iyo Arrimaha Gudaha ayaa ugu horeyn waxaa Warbixintooda si guud u soo jeedisay Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland, Wasiiradda ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaraddaha, qorshayaasha u degsan iyo waxyaabaha u qaab-soomay.
Intaa ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirada Wasaaradaha sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.
Maalintii 2aad ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL waxay waddaan La-Xisaabtanka Golaha Xukumadda taas oo qeyb ka ah shaqooyinka Golaha.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland