LA XISAABTANKA: Wasaaraddaha Dib u habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda DPL.

Fadhiga 23-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Abdirshiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan, ku xigeenka 1-aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajandaha Fadhiga maanta ayaa ahaa La Xisaabtanka Xukumadda, waxaana Golaha hor-yimi Wasiiradda Wasaaradaha kala ah;
1. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xassan Shire Cabdi (Abgaal)
3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Maalgashiga Cabdullahi Cabdi Xirsi
4. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiqani Geelle Maxamed
5. Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdiwali Seed Cilmi
Wasaaradaha oo isku ah Guddiga Dib u habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ugu horeyn waxaa warbixintooda si guud u soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange isaga oo ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaraddaha, qorshayaasha u degsan, caqabadaha haysta iyo waxyaabaha u qaab-soomay.
Intaa ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirada Wasaaradaha sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.
Maalintii 3-aad ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland waddaan La Xisaabaadka Golaha Xukumadda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top